Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida BaarlamaankaF Federalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu dib ula noqdo dacwadaha ciqaabta ee uu kusoo oogtay suxufiyiin gudanaya hawlahoodii shaqo kuwaas oo ugu horreeyo Wariye Cabdcasiis Gurbiye.
Xildhibaanka oo ka hadlay baaqii Madaxweynaha ee ahaa inuu wax ka bedel ku sameynayo sharciga Ciqaabta ee quseeya Saxafiyiinta ayaa sheegay in marka hore madaxweynaha loog baahan yahay inuu ficil ku muujiyo sheegashadiisa.
“Mudane Madaxweyne waxaa ka horeeya ballanqaadankan in aad marka hore ficil ahaan u muujiso in ballanqaadkaasi aad fulineyso adiga oo dib ula noqonaya dacwadaha ciqaabta ee aad ku soo oogtay suxufiyiin gudanaya hawlahoodii shaqo kuwaas oo ugu horreeyo Wariye Cabdcasiis Gurbiye kaas oo ah suxufigii bannaanka soo dhigay maashiinkii neefsiinta (Ventilator) ee Madaxtooyadu ka qaadatay Isbitaalka Martiini horraantii bishii Abriil.Madaxweyne, ballanqaadkaaga ku aaddan dib u habeynta Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo maxkamadeynta suxufiyiinta adigoo adeegsanaya isla qodobbadaasi halista ku ah xorriyadda Saxaafadda waa is ay diidayaan, ifafaalle fiicana uma ahan fulinta ballanqaadkaaga. Madaxweyne, dib ula noqo dacwada aad ku afjigeyso suxufiyiinta Soomaaliyeed adigoo mahadsan..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.
Wuxuu sheegay xildhibaan Mahad Salaad inuu soo dhoweynayo balanqaadka madaxweynaha, isla markaana looga fadhiyo inuu fuliyo. “Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeedna waxa uu kaa sugayaa in aad xukuumada ku amarto in ay si degdeg ah u geeyaan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka hindisaha wax-ka-bedelka Sharciga Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed” ayuuna qoraalkiisa ku yiri.
