Tuesday, July 1, 2025

Mahdi Guuleed: “Ma aqbali karno in 10 Nin noqdaan sharci-dejiye..” Farriin loo diray Maamul Goboleedyada

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Gueleed ayaa farriin culus oo dhiilo siyaasadeed xambaarsan u diray madaxda Maamul Goboleedyada dalka, isagoo baaq u diray Baarlamaanka Federaalka.

Isagoo ka hadlayey munaasabad Gobolka Banaadir u qabtay xubnaha metelaadda G/Banaadir laga siiyey Aqalka Sare ayuu sheegay in Golaha shacabka ay ku dhiiradeen inay ogolaadeen oo in Gobolka Banaadir metelaad ku yeesho Aqalka Sare, wuxuuna

“Nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya waa Baarlamaani, isagaa asal ah, dadka Soomaalyeedna Golaha shacabka ayey igmadeen.. marjica dowladda oo dhan waa Baarlamaanka, isaga ayaa haga siyaasadda dalka. wax la aqbali karo maaha in Baarlamaanka marka uu 3 sano shaqeeyo la yiraahdo albaabada haloo xiro… ” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Wuxuu farriin culus u diray madaxda Maamula Goboleedyada, isagoo Baarlamaanka Federaalka baaq u diray, “Ha aqbalina Baarlamaankoow in 10 Nin masiirka dadka metelaan.. in 10 Nin sharci dejiye noqdaan, in 10 Nin siyaasadda dalka hoggaamiyaan… ilaa baarlamaan la soo doorto idiin bedela Dowladnimada dalka iyo qaranimadeena salhigiisa waa Baarlamaanka.. shaqadiina wata ee dalkan gaarsiiya doorasho qof iyo cod ah..” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON