Dagaal culus oo saacado ka socday duleedka degmada Mirtuugo ee degmada Mahadaay ayaa keenay inay dib u soo laabtaan ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM ee weerarka ku qaaday tuuladaasi.
Maleeshiyada Alshabaab oo hore looga saaray tuulooyinka Biyo Cadde iyo Ceelbaraf ayaa isku urursaday tuulada iyagoo dagaal qaraar kala hor yimid ciidamada weerarka ahaa taasoo keentay in ciidamada milateriga dowladda iyo AMISOM ay dib ugu soo laabtaan Biyo Cadde.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dagaalka istaagay, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac ahna uu jiro, waxaana ciidamadii weerarka qaaday ay dib ugu soo laabteen halkii ay ka duuleen.
Taliye ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay halkaasi u tagaan howlgal ay ku dileen saraakiil ka tirsan Alshabaab oo qaarka ay dileen, qaarna ay dhaawaceen.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxday labada dhinac, waxayna dadka degaanka sheegayaan in dagaalkii saaka uu ahaa kii ugu cuslaa ee degaanadaasi ka dhaca.
Goobjooge.com