Thursday, July 17, 2025

Maleeshiyada Alshabaab oo gudaha Kenya Qarax ku burburisay Anteennooyin ay leedahay Shirkadda Safaricom

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay inay burburiyeen Anteenooyin Isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Safaricom ee dalka Kenya, kuwaasoo ku yaallay degaano ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii ugu horeeyay sanadkan cusub ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya iyo dhulka ay Kenya heysato, iyadoo la begsaday  Anteenooyinka Shirkadda Safaricom, lana burburiyey.

Weerarkan ayaa  ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidamada  Kenya, waxaana Shabaab ay sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta degaankaasi muddo saacado ah.

Wararka aya sheegaya in Anteenooyinka la burburiyey  ay Al-Shabaab ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna ay qarxiyeen, iyadoo Al-Shabaab aya dhowr jeer sidan oo akle u bu buriyeen anteenooyin isgaarsiineed ee Gobalka Waqooyi Bari  Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON