Monday, June 23, 2025

Maleeshiyada Degaanka oo Alshabab dib uga qabsaday Bacaadweyn (Akhriso Qasaaraha culus ee dagaalka)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal gelinkii hore ee maanta o dhan socday oo degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ku dhex maray Alshabaab oo dhinac ah, ciidamada dowladda iyo maleeshiyada dageenka oo dhinac ah.

Dagaalka oo saaka aroortii bilowday, kadib weerar qaraxyo ku bilowday oo Alshabaab ku qaaday degaanka Bacaadweyn ayaa wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalka ku qabsatat saldhigga ciidamada dawladda ee degaankaasi, iyagoo kadibna galay magaalada Bacaadweyne oo muddo ay heysteen.

Maleeshiyada degaanka oo dib isu abaabulay ayaa weerar rogaal celin ah dhowr jiho uga qaaday maleeshiyada Al-Shabaab, waxayna dib u qabsadeen magaalada Bacaadweyne, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare culus oo dhinacyada kala gaaray.

Ad

Dadka degaanka ayaa sheegaya ciidamada dowlada looga dilay ilaa afar askari, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhintay 10 ka mida maleeshiyada degaanka ah. Dhinaca Alshabaab ayaa la sheegay inay dagaalka looga dilay in ka badan 11 maleeshiyo.

Al-Shabaab waxay sheegatay inay la wareegeen degaanka Bacaadweyn, ayna qabsaeen 5 gaari oo kuwa dagaalka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON