Thursday, June 26, 2025

Maleeshiyadii ugu badneyd ee Alshabaab oo mar qura is qarxiyay

Lix ka mida maleeshiyada Alshabaab ayaa mar qura is qarxiyay kadib dagaal dhex maray ciidamada Nabadsugiddda maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo ka trisan kooxda Alshabaab meel u dhow degmada Buurhakaba
.

Dagaalkan ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba, sida uu sheegay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq (Afloow) ciidanka Nabad Sugidda oo howlgallo ka waday degaanka  Raydable oo 25 KM u jira Buur-hakaba ayaa isku dhac dhex maray koox Alshabaab ka tirsan oo la sheegay inay qaraxyo is miidaamin ah loo diyaariyay.

Dagaalka ayuu sheegay taliyaha inay ku qaadeen 9 maleeshiyo oo Alshabaab ka tirsan. Wuxuuna intaas ku daray in lix ka mida is qarxiyeen kadib markii ay rasaastii ka dhamaatay, saddexdii kalena  ay Nololsha ku qabteen.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada taliyaha maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dagaalka dhex maray labada dhinac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON