Sunday, July 13, 2025

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo Weerar ku qaaday magaalada Jowhar iyo Faahfaahin laga bixiyey

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday Koontrool laaga ilaaliyo magalada, iyadoo uu dagaalkaasi socday mud ku dhow saacad.

Waxaa dagaalka qeyb ka ahaa ciidama dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo hub culus ay labada dhinac is-weydaarsadeen, wuxuuna dagaalku saameyn ku yeeshay Xaafada Horseed, iyadoo askari Boolis ah la sheegay inuu ku dhaawacmay., iydoo dib loo celiyey maleeshiyadii Alshabaab markii ay jawaab culu skala kulmeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Iyadoo aanay wax war ah arrintan kasoo saaray ayaa Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre wuxuu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uu ku sheegay in laga hortegay weerarka Alshabaab.

Al-Shabab ayaa isku dayay iney amaanka khalkhal galshaan, waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Amniga Hirshabelle

Wararka saaka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xaalada ay degan tahay, waxaana socda howgal ay qaadeen ciidamada dowladda oo lagu raadinayo dableydii weerarkas soo qaaday ee Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON