Wednesday, July 2, 2025

Maleeshiyo taabacsan Galmudug oo la wareegtay Degmada Caabudwaaq

Cabud-WaaqWararka laga helayo  degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna  oo sababay qasaare badan  uu keenay in degmada inteeda badan ay la wareegaan mid kmida maleeshiyooyinkii dagaalmayay.

Dagaal oo dhowr saacadood  maanta socday kadib  ayay wararku sheegayaan in ugu dambeyn gacan ku haynta degmada Caabudwaaq ay la wareegeen ciidamada Galmudug ee taabacsanaa wasiiro degaankaasi ka soo jeeda.

Maleeshiyadii  Ahlu-sunna ayaa banaanka looga saaray degmada Caabudwaaq, waxaana lasii maqlayaa rasaas dhacaysa, iyadoo ay suuragal tahay inay soo rogaal celiyaan.

Ahlu suna ayaan weli ka hadlin xaaladda degmada Caabudwaaq oo xaalad colaadeed gashay waxaana weli socda gurmadyo labada dhinac u imaanaya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON