Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in maleeshiyo taabacsan maamulka Puntland ay la wareegtay maamulka degmadaasi oo hore u taabacsaneyd maamulka Khaatumo ee Cali Khaliif hogaamiyo.
Maleeshiyada ayaa ahaa kuwii hore u taageersanaa maamulka Khaatumo, laakiin ay u wareegeen dhinaca kale. Maxamed Cagadheere oo ka mida Saraakisha Ciidankaas oo meel fagara ah kula hadlay dad isu soo baxay ayaa sheegay inaysan ogoleyn in Cali Khaliif Galaydh soo galo degaanka Buuhoodle.
Xiisadda ka taagan magaalada Buuhoodle ayaa ka danbeysay warar ay saxaafadda isu mariyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Khaatumo, waxaana isbedelka uu keenay inay kala qeybsamaan dadka Buuhoodle degan.
Goobjooge.com