Tuesday, June 24, 2025

Manchester United oo qiimihii ugu badnaa ku iibsatay laacibka Paul Pogba [SAWIRRO]

Kooxda Manchester United ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiis ay dib ula soo wareegtay laacibka Juventus ee Paul Pogba.

Heshiiska ayaa ku kacay 11o Milyan oo Euro (93.2 milyan oo Geni), wuxuuna saxiixay hesiis soconaya muddo 5 sanadood ah, isagoo rikoor cusub u dhigay taariikhda horyaalka Ingiriiska iyo kubadda cagta oo dhan.

23 sno jirkan ayaa u duulay Isniintii shalay magaalada Manchester isagoo diyaarad gaara ay ka soo qaaday magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Paul Pogba ayaa sanadkii 2012 ka tegay kooxda uu maanta dib ula midoobay ee Manchester United markii uu waayay inuu ka mid noqdo safka joogtada ah ee kooxda oo uu markaasi tababarre u ahaa Sir Alex Ferguson.

Kooxda Manchester ayaa si rasmi ah u shaacisay heshiiskan oo dad badan ay ku tilmaameen mid khiyaali ah marka la eego lacagta uu ku kacay.

Tababarraha cusub ee Man United  José Mourinho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in  Pogba dib ula midoobo kooxdiisii hore, isla markaana aanu sugi karin inta uu markale u ciyaarayo Man United”.

DAAWO SAWIRRO

Pogba1

Pogba2

Pogba3

Pogba

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON