Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay qaabkii loo maray kalsooni kala noqoshadii xukuumadda Federaalka, iyadoo ka digtay inay tallaabo ka qaadi doonto kuwa qaska wada ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Maraykanka ayaa ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay Baarlamaanka arrin lagu carqaladeynayo heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo wadahadalkii u socday dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka, taasoo caqabad ku ah geedi socodka nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ee Mareykanku taageero.
Qoraalka dowladda Mareykanka ee ay soo saartay safaaradeeda Muqdisho waxaa lagu sheegay in xasilooni, amni iyo horumar lagu gaari karo oo kaliya wax wada qabsi iyo hogaamiyaasha Soomaaliyeed oo ay meel dhexe isugu yimaadaan, dantoodana ka hor mariyaan danta guud ee Qarankooda.
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaaliya wadahadal si looga badbaado qalalaase sharciyadeed, iyo in la dhaqan geliyo heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb
“Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa qas-wadeyaasha ah ee doonaya inay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida, dowladnimo loo dhan yahay iyo horumar. Ma dooneyno in Soomaaliya ay waddo qaldan raacdo.” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya oo digniin lagu soo gabgabeeyay.