Taliska ciidamada Mareykanka iyo Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey duqeyntii labaad oo degaanka Jannaale laga fuliyey muddo 24 saac gudahood ah iyadoo lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab.
War-saxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta cusub ay dhacday maanta oo ah 10-ka March 2020, iyadoo lag dilay 4 ka mida maleeshiyada Alshabaab, lagu burburiyey Gaari ay wateen; isla markaana aanu wax qasaare ah soo gaarin dadka rayidka ah.
Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo isla shalay Jannaale lagu qaaday duqeyn kale oo lagu dilay 4 ka mida Alshabaab, waxaana duqeynta ciidamada Mareykanka ay u muuqataa inay isu bedeleyso maalinle.
HOOS KA AKHRISO