Dowladda Mareykanka iyo Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ee dalka Afghanistan ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalda Doha ee dalka Qatar, kadib dagaal muddo 19 sano u dhaxeeyay.
Heshiiskan oo muddo dheer soo socday ayaa u dhaxeeyay wakiilo ka kala socday dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban, iyadoo goor dhoweyd heshiiska nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Doha ee dalka Qatar, waxaana lagu tilmaamay weji cusub oo u furmay dalka Afghanistan.
Heshiiska Daalibaan iyo Mareyanka kala saxiixdeen ayaa waxaa laba dhinac u kala saxiixay ku xigeenka Madaxa Siyaasadda ee Daalibaan Mullah C/qani, halka Mareyanka uu u saxiixay wakiilka u qaabilsan dalka Afghanistan Zalmai KhalidZad, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wakiilo ka kala socda dunida.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in heshiiskan uu caddeyn u yahay in Alqaacida iyo ururrada argagixisada aysan Afghanistan ka heli doonin meel ku dhuuntaan, isla markaana dadka Afghanistan ay nabad heli doonaan kadib muddo dheer oo ay dagaallo ku soo jireen.
Wakiilka Daalibaan Mullaha C/qani Barader ayaa sheegay in Daalibaan ay ka go’an tahay fulinta iyo dhaqan gelinta heshiiskan, wuxuuna shacabka Afghanistan ugu hambalyeeyay heshiiskan, isagoo sheegay in 40 sano ah oo dagaal ahaa lasoo gabagabeynayo.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhinaciisa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.
Mareykanka ayaa sida heshiiska uu la galay Daalibaan dhigayo wuxuu ciidamadiisa ka jooga dalka Afghanistan ka dhigi doonaa 8600 muddo 13 maalmood gudahood ah, iyadoo kadib si tartiib ah ciidamada Mareykanka looga sari doono dalkaasi.