Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka iyo Dowladda Somaliya oo Duqeyn cusub ka fuliyay Degaan ka tirsan Puntland

Taliska Milatariga Mareykanka ee Bariga Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu shalay 31-ka May 2024 duqeyn uu la kaashaday dowladda Federaalka ka fuliyay degaan ka tirsan Gobolka Bari.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRICOM waxay duqeynta ka dhacday degaanka Dhardhaar oo ilaa 81-KM dhinaca Koonfur Bari uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan oo ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay 3 Xubnood oo ka tirsan Daacish, iyadoo aanay jirin wax qasaare ah oo kasoo gaaray dad rayid ah.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la ah si ay u soo qabtaan ISIS. Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON