Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka oo $146 Milyan ku Tageeraysa Somalia iyo Kenya

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa shalay magaalada Nairobi kaga dhowaaqay in Mareykanka uu 146 milyan oo dollar oo dheeraad ah siinayo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Lacagtan ayaa waxaa lagu taageeri doonaa qaxootiga, dib u noqoshada iskood ah ee qaxootiga Soomalaiyeed ee xerada Dhadhaan ee Kenya iyo dhibanayaasha abaarta ee labada dal.

Qeyb ka mid ah lacagtan oo gaareysa illaa 59 milyan oo dollar ayaa la siin doonaan guddiga sare ee qaxootiga QM ee UNHCR, si ay ugu taageeraan qaxootiga Kenya ku sugan iyo kuwa dib ugu laabanaya Soomaaliya.

Sidoo kale 87 milyan ayaa waxaa lagu bixin doonaa taageerada cuntada iyo arrimaha kale ee dadka abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya iyo Kenya.

Taageeradan cusub ee dheeriga ah ayaa lacagta guud ee Mareykanka uu sanadkan ugu deeqay Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka dhigeysaa 265 milyan oo dollar.

Taageerada Mareykanka waxa ay sidoo kale wax ka qaban doontaa arrimaha bani aadannimo ee ka taagan gobolllada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada walaacyada bani aadannimo ee ka taagan Soomaaliya iyo Kenya.

Voa

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON