Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay taageeri doonaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamo Maraykanka la geeyay magaalada Muqdisho 2-dii bishan April, iyadoo ay codsatay dowladda Soomaaliya, waxayna howshoodu noqon doontaa tababar xirfadeed iyo Dishibiliin inay siiyaan ciidamada Soomaaliya.
Ciidamadan la geeyay magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya ciidamo hore uga joogay Soomaaliya, waxaana tiradooda lagu sheegay tobaneeyo. Ciidamadan ayaa ka dirtay qeybta 101st Airborne, ee fadhigoodu ahaa Kentucky.
Ciidamadii hore ee Mareykanka uga joogay Soomaaliya kuwo gaara oo howlgallo ka fuliya Soomaaliya, iyadoo mararka qaarkoodna la howlgala ciidamada Soomaalida ee ay tababarreen, wuxuuna saldhigoodu yahay garoonka diyaaradaha Bali-doogle.
Goobjooge.com