Sunday, July 13, 2025

Mareykanka oo Diblomaasiyiintiisii kala baxay Caasimadda Ukraine iyo Ruushka oo Dagaal isu diyaariyey

Dowladda Mareykanka ayaa Diblomaasiyiinteeda caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv kala baxday halkaas, iyadoo u wareejisay magaalada Liviv ee u dhow xuduudka dalka Poland.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa shaaciyey arrintan, wuxuuna sheegay in ciidamada Ruushka ay dhaqdhaqaaq xoog leh ka wadaan xuduudka Ukraine, iyadoo uu sii kordhay diyaargarowga ciidamada Ruushka.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in go’aanka ah in howlaha safaaradda loogu raro Lviv – oo qiyaastii 50 mayl (80 km) u jirta soohdinta galbeed ee Ukraine ay la wadaagto dalka Poland – ay ka dhalatay walaac laga qabo badbaadada shaqaalaha.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili ay saraakiisha Maraykanka ka digeen in xukuumada Moscow ay sii wado uruurinta in ka badan 100,000 oo askari meel u dhow xuduudka Ruushka uu la wadaago Ukraine iyo dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, ayna xili kasta qaadi karaan weerarro ka dhan ah Ukraine iyo magaalooyinkeeda oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in Ruushku weerar weyn ku qaadi doono dalka Ukraine, waxaana Sawirro uu qaaday Satelitę-ka ay muujiyeen in ciidamada Ruushka ee jooga xuduudka Ukraine ay galeen heegan sare oo u muuqda inay dagaal u diyaar garoobeen.

Ruushka ayaa si joogto ay beeniyay inuu dagaal ku yahay dalka Ukraine oo doonaya inuu ka mid noqdo Gaashaanbuurta NATO, taasoo uu si weyn uga horjeedo Ruushku.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON