Dowladda Mareykanka ayaa digniin kasoo saaray khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka, iyadoo sheegtay in xaaladu ay gaartay is mari waa’.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in xiisada ka taagan Khaliijka ay ku sugan tahay xaalad la is mari waayay, taasoo keeni karto inay sii socoto toddobaadyo iyo weiba Bilooyin.
Waxay sheegtay in Mareykanka uu aaminsan yahay in xaaladda ay adag tahay, inkastoo aanay sheegin waxa ku soo kordhi kara khilaafka ka dhex taagan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo dhinac kasoo jeeda iyo Qatar oo dhinaca kale ah.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxay sheegtay in xoghayaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson uu xiriir dhow la leeyahay dalalka ay quseyso arrintan, isla markaana isha ku heyn doono.