Wednesday, June 25, 2025

Mareykanka oo Duqeyn Aargoosi ah ku qaaday Daacish-ta Afghanistan iyo hoggaamiye la beegsaday

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa shaacisay inay duqeyn cirka ah ku qaaday dalka Afghanistan, iyadoo lagu beegsaday Ururka Daacish ee dalka Afghanistan oo loo yaqaan ISIS-K.

Weerarkan ayaa waxaa qaaday Diyaarad nooca Drone-ka, iyadoo lagu beegsaday hoggaamiye ka tirsan kooxda ISIS Khuraasaan oo la socday Gaari uu ku wehliyo qof kale, waxaana Gaarigaasi gantaallo ku duqeysay diyaarad keligeed is-wada iyadoo lagu dilay qofkii la beegsaday oo aan magaciisa la shaacin.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu dhowaan sheegay inuu ka aargudan doono weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul oo lagu dilay 13 askarta Mareykanka ka mida, laguna dhaawacay 18 kale.

Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga fuliyay gobolka Nangahar, iyadoo xubinta ka tirsan ISIS la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa qorsheynta weerarkii Garoonka magaalada Kabaul.

Weerarro kale oo is-miidaamin ah iyo kuwa loo adeegsanayo Gawaarida miineysan ayaa laga sii digay inay ka dhici karaan magaalada Kaabul maalmaha ugu danbeeya ee ciidamada Mareykanka ka baxayaan Afgahistan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON