Thursday, June 26, 2025

Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyey Koonfurta Somalia iyo xubno Alshabaab ah oo lagu dilay

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyey Koonfurta, iyadoo weerarkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidaamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada ARICOM ee Mareykanka ayaa howlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose, nawaaxiga Kuunyo Barrow lagu dilay 2 (labo) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Alshabaab , waxaana warka dowladda Soomaaliya lagu sheegay inay bahwadaagta Mareynkanka ayaa si aad uga taxadaraan ilaalinta waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan, iyadoo hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.

Duqeyntan ayaanu weli wax war ah kasoo saarin taliska Mareykanka ee AFRICOM, waana tii ugu horeysay ee intii la galay Bishii Ramadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON