Taliska Millitariga Mareykanka ee Africa AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ka dhacday burleyda Bari ay ku dileen ilaa 13 ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday saldhig ay kooda Daacish ku lahayd buuraleyda Golis ee gobolka Bari, iyadoo tirada lagu dilay ay gaarayaan 13 xubnood, waana tiradii ugu badneyd ee mar qura kooxdaasi duqeyn looga dilo.
Waxa qoraalka AFRICOM lagu sheegay in duqeynta loo qaaday iyadoo lala kaashanayo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan wax khasaare ka soo gaarin dad rayid ah.
Mareykanak ayaa si weyn u kordhiyey duqeynta uu ku hayo Gobolka Bari oo saldhig u ah kooxda Daacish, waxaana dhowaan 14-kii bishii April 2019 duqeybn lagu dilay ku xigeenkii Madaxa Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqub.
