Saturday, July 12, 2025

Mareykanka oo ka digay Weerar Ciidamada Ruushku ku qabsanayaan Dalka Ukraine muddo 48 saac ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa gaarsiisay dowladda Ukraine digniintii ugu danbeysay ee ku saabsan in Ciidamada Ruushka ay muddo 48 saac gudahood ah ku weerarri doonaan dalka Ukraine.

Xogta Pentagon-ka ayaa timid iyadoo Ruushka la sheegay inay ciidamo gaaraya 200-kun Askari ay geeyeen xuduudka dalka Ukraine oo dhinac kasta ay hadda ku sugan yihiin, iyagoo diyaar u ah amar la siiyo.

Dingiinta Dowladda Mareykanka uu gaarsiiyay Ukraine ayaa ah in duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaadi doono dalkaasi 48-da saacadood ee soo socda gudahood, waxaana warkan saraakiisha sirdoonka Mareykanka kasoo xigatay Majaladda Newsweek.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhowaan dalal madax bannaan u aqoonsaday Gobollada Donetsk iyo Luhansk oo ah Gobollo ka go’ay Ukraine, kadibna wuxuu Putin wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Ruushka ay soo galaan labada gobol.

Mareykanka iyo Reer Galbeedka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn dhaqaale oo ka dhan ah Ruushka Shalay, balse Ruuskha ayaa ku tilmaamay cunaqabataynta “mid aan waxtar lahayn” waxayna ballan qaaday inay ka bixin doonaan jawaab.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay xaalad degdega oo dalkaasi la geliyay, wuxuuna kula taliyay muwaadiniinta inay ka baxaan dalka Ruushka. Ruushka ayaa dhinaca kale Diblomaasiyiintiisa ka qaatay caasimadda Ukraine ee Kiyev.

Midowga Yurub ayaa shir deg deg ah ku yeelan doona Brussels Khamiista si ay uga wada hadlaan Xaaladda ka taagan Ukrian iyo Ruushka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON