Dowladda Maraykanku ayaa ku fashilantay Qaraar ay hor geysay Golaha guud ee Qaramada Midoobay, kasoo lagu cambaareyn lahaa kooxda reer Falastiin ee Xamaas oo lagu eedeeyay argagixisnimo iyo inay dadka Israa’iil ku weererto Gantaallo.
Qaraarkan ayaa markii hore ay dalal Carab ah ka geeyeen mooshin, kaasoo ah in lagu meel mariyo 3/2 tirada dalalka Golaha Guud ee Q/Midoobay, waxaana markii codka loo qaaday ay Natiijadii noqotay:
Waxaa taageeray Qaraarka Mareykanka = 87 Dal
Waxaaa diiday = 57 Dal
Waxaa ka aamustay = 33 Dal
Qaraarkii Maryekanka ayaa ku fashilmay inuu taageero ka helo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay haweeneyda Nikki Haley ayaa si weyn uga dalbatay Golaha Guud inuu taageero Qaraarkan oo ay ku sheegay in markii ugu horeyay uu Golaha guud taageero Israa’iil, laakiin waxay golaha ku eedeysay markii uu fashilmay qaraarkaasi Gole laga neceb yahay Israa’iil.
Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in tallaabadan ay “dharbaaxo” ku tahay madaxweyne Trump iyo maamulkiisa kasoo horjeeda dadka reer Falastiin, waxaana si weyn u soo dhoweeyay maamulka reer Falastiin.
Ra’iisulwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa dhinaciisa sheegay in inkastoo aan la helin saddex meeloodow labadii loo baahnaa haddana in ay tahay markii koobaad dalalku ay aqlabiyad uga soo horjeedsadaan Xamaas.
Qaraarrada kasoo baxa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ah kuwo aan waajib ahayn in la fuliyo, waxayna kaliya muujiyaan taageero ama diidmo caalami ah.