Dacwad oogayaasha dowladda federaalka Mareykanka ayaa xiray saddex nin oo deganaa gobolka Michigan ee dalkaasi, iyadoo loo heysto shirqool ku saabsan taageerada kooxda Daacish.
FBI-da Mareykanka ayaa xirtay Isniintii Muuse C/qaadir Muuse, Maxamuud C/qaadir Muuse iyo Maxamed Salaad Xaaji, waxayna deganaayeen magaalada Lansing oo dacwadda loogha soo oogay. Saddexda eedeysane ayaa qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya.
Lama sheegin in Muuse C/qaadir Muuse iyo Maxamud C/qaadir Muuse ay walaallo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isagoo ka baxaya magaalada Grand Rapids.
Mohamed Salad Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in iyaguna ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids.