Gobolka New York e dalka Mareykanka ayaa maanta bilaabaya adeegsiga dawooyin loo istimaali jiray Malaariyada in lagu daweeyo Cudurka COVID-19 ee Coronavirus, kadib markii loo fasaxay inay dawooyinkaas ku bilaabaan bukaanada.
Iyadoo tijaabo lagu sameeyay dalka Shiinaha labada kaniini ee chloroquine iyo hydroxychloroquine oo la raacinayo kaniinia kale ee Zithromax ay keentay in rajo badan laga muujiyey ayaa Mareykanku uu bilaabay adeegsida labadan kaniini oo kaliya loo ogol yahay dhaqtarrada iyo isbitaallada iyo in loo adeegsado heerka culus ee bukaanada qaba cudurka Coronavirus.
Guddoomiyaha Gobolka New York Andrew Cuomo ayaa shir jaraa’id ka sheegay inuu rajo badan ka qabo in daawadan ay wax badan u tarto bukaanada Gobolkiisa ee qaba Coronavirus oo ah gobolka ugu daran ee uu halakeeyay cudurkan.
Hay’adda cuntada iyo dawada ee Mareykanka ayaa ogolaaday in kaniiniyada loo adeegsan jiray Malaariyada lagu tijaabiyo bukaanada qaba cudurka Coronavirus, iyadoo ay jiraan dhaqaatiir kale oo shaki ka muujiyey Daawadan.
Dalka Mareykanka ayaa hadda noqday dalka saddexaad ee dunida ugu badan dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus, waxaana cudurka Aqaba dad gaaraya 42,600 qof, iyadoo ay u dhinteen 540 qof. Gobolka New York oo kaliya waxaa cudurka sida dad ka badan 20,000 qof, waxaana xaalad degdeg lagu soo rogay New York, Washington iyo California.