Dowladda Mareykanka ayaa Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, Kuxigeenkiisa C/raxmaan Maxamed Warsame oo loo yaqaano Mahad Karataay iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Kooxda Dul dhigtay Madaxooda Malaayiin Lacag ah oo qofkii keenay warbixin ku saabsan la siinayo.
Mareykanka ayaa sheegay in Lacagtaan la siin doono Cidii Xog ka keenta halka ay ku sugan yihiin Hogaamiyaha Guud Ee Al-shabaab iyo Saraakiisha kale.
Axmed Diiriye Abuu Cubeyda Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa Madaxiisa la dul dhigay 6 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah. Mahad Karataay oo sidoo kalena loo yaqaanno C/raxmaan Maxamed Warsame oo ah Kuxigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab, Macalin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo iyaguna ka tirsan Madaxda Al-shabaab waxaa Madaxooda la dul dhigay 5 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.
Axmed Iimaan Cali iyo Macalin Salmaan oo ah labo sargaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab waxaa iyagana Madaxooda la dul dhigay min 3 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.
Mareykanka ayaa Mahad Karataay ku eedeeyay inuu Abaabulay Weerarkii lagu dilay Dadka badan ee Shabaab ay ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Gaarissa Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Goobjooge.com