Sunday, June 22, 2025

Mareykanka oo Nairobi ka qabtay Nin taageeray Xamaas oo ku biiri lahaa Alshabaab

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in la qabtay Muwaadin Mareykan ah oo taageeray Xamaas, isla markaana kusii jeeday inuu ku biiro Alshabaab.

Ninkan Muwaadinka Mareykan ka ahaa kariim Nasir ayaa deganaa New Jersey, waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, isagoo hore dhaqdhaqaaqiisa loola socday, kadib qoraallo uu soo dhigay bartiisa ‘X’ ee Twitterka.

Qoraaladaas ayuu ugu hanjabay weerarro lagu qaadi doono Mareykanka, isagoo taageeray weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel 7-dii October 2023.

Ad

Karrem Nasr, oo 23 jir sani ah, ayaa la xiray 14-kii December, kadib markii uu ka degay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo kasoo duulay dalka Masar, markii uu ka yimid Mareykanka.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ay sheegay inuu Karim qorsheynayay inuu la kulmo xubno ka tirsan Al Shabaab, ka hor inta uusan u safrin degaanada Alshabaab ka taliso, halkaas oo uu tababar ku qaadan lahaa.

Waxaa xaaladda ninkan isha ku hayay xubin qarsoon oo la shaqeysa FBI-da, oo si toos ah ula xiriiri jiray Nasr oo ku noolaa magaalada Lawrenceville ee Gobolka New Jersey, balse wuxuu dalka Masar oo asalkiisu kasoo jeedo u guuray bishii June 2023.

- Advertisement -

Markaas kadib wuxuu si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro Al Shabaab oo uu jihaad la galo reer Galbeedka, wuxuuna si kulul u eedeeyay reer Galbeedka iyo Mareykanka, isagoo ugu hanjabaya dagaal jihaad ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON