Sarkaal sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedka ay kusoo laabteen biyaha ka baxsan Xeebaha Soomaaliya, balse kororka weerarada maraakiibta ganacsi aysan wali noqon kuwo leh jiho loo raaco.
Weeraradan cusub ayaa imanaya kadib shan sano oo uu gobolka ka nastay weerarada burcad badeedka oo heerki ugu xumaa gaaray inti u dhaxeysay sanadihii 2010-2012-kii.
Arrintaasi waxay keentay in ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Midowga Yurub ay qaadaan olole weyn oo ka dhan ahaa burcad badeeda.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah shalay ugu qabteen dalka Jabuuti xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ka jooga Africa ayey ku sheegeen in ay jireen dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay ilaa iyo lix weerar oo ay burcad badeedu ku qaadeen maraakiib ganacsi oo ahaa kuwo u nugul weerarka.
Xoghayaha difaaca Mareykanka wuxuu sheegay in xitaa hadii ay sii socdaan weerarada burcad badeedda uusan fileyn in taasi ay sababi doonto in Mareykanka uu qaado tallaabo weyn oo dhinaca milatariga ah.