Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in la dilay hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi oo la sheegay inuu ku dhintay dagaal dhowaan dhacay dalka Syria.
Afhayeenka Daacish ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilka hoggaamiyahoodii saddexaad, isagoo aan bixin faahfaahin kale, balse waxaa ka hadlay saraakiisha dowladda Mareykanka oo sheegay inaysan ciidamada Maraykanka qeyb ku lahayb dilka hoggaamiyaha Daacish.
Amiirka Daacish ee Abu Hssan Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii saddexaad ee kooxda Daacish ee la dilo, midkii labaad ee sannadkan gudihiisa la khaarijiyo, iyadoo uu hore Mareaykanku u dilay hoggaamiyihii koowaad Abuubakar Al-baqdaadi iyo midkii labaad ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi in la dilay badhtamihii bishii October, laguna dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Darca. Waxaana warkan uu qaatay muddo ku dhow 2 bilood si loo xaqiijiyo ilaa ay shaaciso Daacish.
Afhayeen u hadlay ciidamada milateriga ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku lug yeeshay hawlgalkan. Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta isgaadhsiinta ee Telegram kadib ayey arrintan ka hadlen saraakiisha Mareykanka.
Kooxda Xuquuqda aadahana ee dusha kala socota qulqulatooyinka Syria ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa bishii hore ee October waxay sheegeen in xoogaga mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Darca ay dileen xubno ka tirsan ururka Daacish, iyaga oo sheegay in dadka la laayey ay ku jireen hoggaamiye u dhashay dalka Ciraaq.
Hoggaamiyihii Daacish ee al-Qurayshi ayaa ahaa shaqsi aan wax badan laga aqoonin, wuxuuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan 2022, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.
