Monday, July 14, 2025

Mareykanka oo si rasmi dib ugu soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya

Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday billowga Howl-Gallada Diblomaasiyadeed ee  Mareykanka ee Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in howl-galkan cusub uu sawir ka bixinayo sii wadista dadaallada dowladda Mareykanka ay dib ugu soo celineyso xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, tan iyo markii ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya, 17-kii bishii January ee 2013.

kerry

Xafiiska Howl-galka Dinlomaasiyadeed ee Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa saldhig u noqon doona safaaradda Mareykanka ee Nairobi, waxaana madax u noqon mas’uul xilkiisu yahay Arrimo Fuliye, inta madaxweyne Obama uu ka magacaabayo, islamarkaana aqalka senate-ka ansixinayo Safiir buuxa oo Mareykanka u joogi doona Soomaaliya.

Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxa ay dib u billaabashada howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ku qeexday tallaabo loo qaaday dib u unkidda joogitaankii Mareykanka ee Soomaaliya, sida uu shanti bishii May ee sannadkan ku dhowaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry, oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sii wadi doona socdaallada ay ku tagi doonaan Soomaaliya si ay shaqooyinkooda rasmiga ah u gutaan, sida ay hadba xaaladda ammaan u ogolaato, sida ay sheegtay Wasaarradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Isha: VOA

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON