Friday, July 4, 2025

Mareykanka oo Taliye cusub u xil-saaray howlgalka ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa taliye gaar u xil saaray  ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Xaflad ka dhacday taliska ciidamada Mareykanka ee Garoonka Aadan Cadde oo ay kaqeyb galeen safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Afrika ayaa Col. Miguel A. Castellanos loo dalacsiiyay Generaal.

Abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ka howlgala Gen. Waldhauser ayaa darajada cusub u xiray Col. Castellanos, waxaana uu ahaa ku xigeenka abaanduulaha ciidanka Mareykanka ee ka howlgala Geeska Afrika ee loo soo gaabiyo CJTF-HOA, wuxuuna maanta shaaciyay inuu ka shaqeyn doono xiriirka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka.

Gen. Castellanos ayaa fadhigiisu yahay  Aden Adde Airport, waxaa ay qeyb ka yihiin, waxayna qeyb ka yihgiin howlgalka Mareykanka ee AFRICOM, isagoo sheegay in xoogga saari doonaan la-dagaalanka Al-shabaab.

Shirkii jaraa’id ayay saraakiisha Mareykanka ka sheegeen inay dhowaan bilaabi doonaan Howlgalka soo af-jaridda Al-shabaab ee Soomaaliya.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON