Diyaaradaha Maraykanka ayaa laba jeer duqeeyay saldhig maleeshiyada taageersan Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda dicaafa Maraykanka ayaa xaqiijiyay duqeynta, wuxuuna sheegay in saddex oo argagixiso ah lagu dilay. Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.
Taliska Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in weerarkii 3-da Novembar oo kala dhacay laba jeer lagu dilay saddex qof, waxaana warkaasi lagu sheegay qasaaraha weerarka ay qiimeynayaan ciidamada Mareykanka/
Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaa khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen maleeshiyada taageersan kooxda Daacish.