Tuesday, August 12, 2025

Is-mari waa’ ka taagan doorashada madaxweynaha Maamulka Galmudug [Wararkii ugu danbeeyay]

Muran iyo ismari waa’ ayaa weli ka taagan doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug iyadoo ay is barbar socdaan dadaallo lagu doonayo qabashada doorashada iyo in dib loo dhigo.

Guddiga Doorashada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ku adkeysanaya in doorashada madaxweynaha la qabto waqtiga loo asteeyay ee 10-ka April, iyadoo laba gudi  iska dhex magacaabay, iyagoo furay is-diiwaan gelinta.

Dhinac kale dowladda Federaalka ayaa wada dadaal xoog leh oo ay ku dooneyso in doorashada Galmudug dib loo dhigo si Ahlu sunna ay uga qeyb noqoto doorashada loona helo midnimo gobollada dhexe ka dhacdo.

Kulan ayaa magaalada Muqdisho ku dhex maray hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ahlu suna Macalin Maxamuud iyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Abshir Bukhaari, iyagoo ka wadahadlay xaaladda Galmudug.

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo tegi lahaa magaalada Cadaado ayaa safarkooda dib loo dhigay arrimo aan la sheegin dartood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON