Toban badmaax ayaa la la’yahay shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay isku dhaceen Markab kuwa wax burburiya ah iyo mid waday shidaal oo marayay xeebta Singapore, sida ay sheegeen ciidammada badda ee Maraykanka.
Markabka dagaal ayaa xilliga uu shilka dhacayay marayay bariga xeebta Singapore, isaga oo kusoo xiran rabay dekadda weyn ee caasimadda dalkaasi.
Waxaa hadda socda baadi goob ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha helicopter-ka Maraykanka, doonyo uu leeyahay ciidanka badda ee Singapore, iyo weliba kuwo ay leedahay Malaysia.
Wararka hordhaca ah ee kasoo baxay shilka ayaa sheegaya in markabka dagaalka uu dhinac ka burburay, haseyeeshee ciidanka badda ee Maraykanka ayaa sheegay in markabka USS John McCain uusan demin oo uu hadda kusoo wajahan yahay dekedda Singapore.
Weli lama sheegin waxa sababay shilka oo dhacay dhowr saacadood ka hor, balse waxaa jirta in aaga uu ka dhacay uu yahay mid saxmad badan oo ay maraan inta badan maraakiibka ganacsiga caalamka.
Toddobo ka mid ah ciidanka badda ee Maraykanka ayaa dhintay bishii Juunyo ka dib markii uu markabka dagaal ee USS Fitzgerald uu ku dhacay markab xamuul ah oo marayay meel u dhaw dekedda Yokosuka ee Japan.
Markabkaasi dagaal ayaa ka mid ah kuwa ugu casrisan caalamka.
Sharciga badaha ayaa dhigaya in maraakiibta maraya marinnada biyaha ee ciriiriga ah ay kala sugaan, si aanu isku dhac u iman.