Qiimaha Saliida uu Mareykanku soo saaro ee Gobolka Texas ayaa saacadihii ugu danbeeyay hoos u dhacday ilaa ay gaartay qiime ka hooseeya $0, kadib saameynta ay keentay dhaqaale xumida iyo cudurka Covid-19.
Hoos u dhaca ku yimid Shidaalka Ceyriin ee Mareykanka ayaa ku bilowday isla markii uu saaka furmay suuqa, iyadoo sicirku ahaa $18.27 fuustadii markii uu xirmay Jimcadii hore, waxaana kadib uu hoos ugu dhacay si aan la fileyn ilaa uu gaaray $0 ilaa $-37.63, oo ah qiime aanu weligii gaarin intii la furay suuqa ganacsiga Saamiyada ee NYMEX 1983.
Arrintan waxay ka dhigan tahay in cid iibsata iska daaye bilaash lagu siinayo qofkii raba ama lacag lagu siinayo si heshiisyo ay shidaal ku qaadanayaan ula galaan shirkadaha soo saara saliidda ee ay waayeen meel lagu keydiyo.
Waxaa kaloo xilligan socda hoos u dhac aan hore loo arag uu ku socdaa dhammaan qiimaha dalabyada danbe iyo heshiisyada saliida ee dib laga dalbado, waxaana muuqata in qiimaha saliida Mareykanka uu burbur ku yimid, kaasoo saameyn weyn ku yeelan doona dunida oo dhan.
Waa taariikh cusub oo dunida ku soo korortay iyo rikoor loo dhigay qiimaha saliida oo aan weli hore u dhicin in shirkadaha iibiya Saliida ay lacag ku bixiyaan si looga qaato wax soo saarkooda, waxaana arrintan sababteeda leh dagaalka qiimaha shidaalka ee dhex maray Sacuudiga iyo Ruushka oo keenay in saliid badan dunida lagu fahato xiligan uu dunida ka jiro Coronavirus oo dalabkii uu aad u yaraaday.