Thursday, July 17, 2025

Marxuum Jen. Galaal oo xalay lagu aasay Guriceel iyo su’aalo ka dhashay maamuuska loo sameeyay (Sawirro)

Waxaa xilli Habeennnimo xalay lagu aasay magaalada Guriceel Jeneraal Marxuum Maxamuud Nuur Galaal oo lagu dilay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa aaska Jeneraalka ka qeyb galay mas’uuliyiin kooban oo u badan kuwa kasoo jeeda Beeshiisa, taasoo keenay su’aallo ku saabsan maamuuska loo sameeyay Marxuumka oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sareysay Milateriga Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa salaadii Janaasada kula tukaday marxuumka Masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna Qoyskiisu go’aansadeen inuu aaskiisa ka diaco Guriceel, taasoo keenay inay aaska ka qeyb geli waayaan madaxda dowladda Federaalka.

Waxaa eedeyn loo jeediyey madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor oo aan wax maamuus ah siinin aaska Jeneraalka, taas bedelkeedana soo dhoweyn ugu sameeyay magaalada Dhuusamareeb madaxda dowladda Federaalka.

“Mudnaantii iyo maamuuskii ay ahayd in loo sameeyo aaska marxuum Janaraal Maxamed Nuur Galaal maanta ma helin. Meel aan ka fogeyna godka xalay loo hooyay Janaraal Galaal shucuurta madaxdii Federaalka iyo Galmudug sidaan ayay u taalay..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay aaska ka dhacay Guriceel oo soo qaatay muuqaalka soo dhoweyntii Qoorqoor ee Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa isna ka hadlay arrintan oo dhaleeceeyay sida dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo u maamuusi weyday Jeneraalka geeriyooday ee Maxamed Nuur Galaal, wuxuuna yiri: “Kooxda la baxday N&N xitaa janaaso, aas iyo tacsi lagulama heshiin karo. Ma garan sababta degdegga, dayaca qaran leh loogu aasay Jeneraal Galaal. Xilliga ayaa isku soo beegmay, hoggaan aan garaad qaran laheyn iyo deegaankan (Hawiye) oo ay dadkiisa hormood u yihiin kuwo hayin u ah aqbalka dulleynta. Waa la hubaa in uu geesi ahaa mar haddii ay argagexisada Al-Shabaab 13 sano raadinayeen, Itoobiyana 44 sano ka hor ka cabsi qabtay. Allaha u naxariisto Jeneraal Galaal, wuxuu ahaa halyeey cadawgiisa iyo saaxiibkiisba ka wada careysiiya”.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 8 people, people standing and outdoor
Image may contain: 6 people
Image may contain: 1 person, standing and outdoor, text that says '5Y 5Y-FAV'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON