Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa hakiyey mashruuc ku saabsan horumairnta dadka reer guuraaga ah oo uu ka waday Soomaaliya kadib markii ay soo baxday in mashruucaas si xun loo maamulay, lana musumaasuqay.
Mashruucan oo la saxiixay sanadkii 2014, isagoo bilowday 2016, waxaana lacagta ku baxeysa ay gaareysay 5 Milyan oo doolar, waxaana lacagtii uu horeysay Febraayo 2017 lagu soo shubay Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya waxay isku dayday inay wax ka qabato walaaca bankiga islaamka iyadoo xabsiga u taxaabtay sarkaalkii maamulayey mashruucaas, waxaana weli taagan xaaladii ka dhalatay musuqaasi.
Waxaa kiiska u xiran isu duwaha mashruucan C/sahkuur Adan Maxamed oo loo diiday in damiin lagu sii daayo, waxaana socda in maxkamad la geeyo ragga loo heyso musuqa mashruucan.
Hoos ka dhageyso Barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da