Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegaya in qasaarihii ugu badnaa hal mar oo qaxooti Soomaali ah ku lug yeeshaan uu ka dhacay badda dhexe, kadib markii Doon ay la socdaan ku qalibantay Badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.
Dhalinyarada oo ahaa Soomaali ka tagtay Somaliland, Jabuuti iyo Masar oo qaarkood ahaayeen arday Waxbarasho loo diray ayaa musiibadan ku qabsatay habeenimadii Axadda, Waxaana warkan laga soo xigtay mid ka mida dad fara-ku tiris ah oo ka badbaaday masiibadan, kaasoo lagu magacaabo Cawaale Safiir , kaasoo sheegay in 400 qof oo Doonta ay ku saarnaayeen ay ka badbaadeen oo qura 23 kaliya. waxaana la sheegay in 200 ka mida dadkaasi ay Soomaali yihiin.
Dhalinyaradan Soomaaliyeed oo Badda ku halaagsamay ayaa la sheegay in Doonta ay ku tahriibayeen ay ka raaceen Magaalada Alexandaria ee Dalka Masar.
Qaar kamid ah eheladda Dhalinyaradan ku geeriyootay Badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga oo wajiyadooda laga dheehan karay murugo xoogan ayaa sheegay inay falkan si aada uga naxeen, Dadkan ayaa Warbaahinta la hadlay iyagoo ku sugan Magaalada Burco.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Doontu ahayd Alwaax si weyn loo raray, kadibna uu dagaal dhex maray Tahriibayaasha Soomaalida ah, iyadoo aanay Doontu heysan jiheeye ama Telefoonada la shaqeeya Dayax gacmeedka ee Thuraya, kadibna dagaalkaasi keenay inay doontu jihada ka lunto oo qalibanto.
DAAWO EHELADA QAAR KA MIDA DADKA LE’ADAY
https://youtu.be/Q1BaLPgM2es
Goobjooge.com