Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Masjid dhisme ka socday Muqdisho oo ku dumay shaqaale fara badan

Masjid ku yaala degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa soo dumay iyadoo shaqaale fara badan ay ku howlanaayeen dhismaha ka socday Masjidkaasi.

Shilkan oo goor dhoweyd dhacay ayaa wararki ugu horeeyay sheegayaan in shaqaale fara badan oo ku dhow 100 ruux ay ku sugnaayeen Masjidka oo dhismihiisu socday.

Dad badan badan 35 ruux ayaa ku dhaawacmay shilka ka dhacay Masjidka dumay, waxaana howlgal weyn ka socdaa goobta iyadoo laga soo saarayo dadka ku burburku ku habsaday.

Qasaaraha dhabta ah ee shilkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaan la ogeyn, waxaana weli socda gurmad weyn oo dad ku waxyeeloobay lagu daad gureynayo.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Ali  ayaa sheegaya in shilka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kaliya, isla markaana aanay jirin wax dhimasho ah.

Dadkii ku dhaawacmay Masjidka soo dumay ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale goobta tegay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON