Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Howlgal ay ka sameeyeen Masjid ku yaala degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho kusoo qabtay Huba lagu dhex qariyay Masjidka iyo labo qof oo arrinta loo heysto.
Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Yaaqshiid Gaashanle Dhexe Maxamed Yuusuf Nuur, ayaa sheegay in hubka lagu dhex qariyay Minaaradda Masjidka, ayna ku soo wargaliyeen Booliska dadweynaha ku nool Xaafadda.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir G/Sare Bishaar Abshir Geeddi, ayaa sheegay in Hubkaasi uu ahaa mid qeyb ka ah dilalka iyo amni darada ka dhacda magaalada Muqdisho, ayna wadaan baaris ku saabsan halka uu ka yimid.
Waa markii labaad ee ciidamada ay Masjid ka helaan hub lagu qariyay.
Daawo Ssawirro
ISHA: SONNA