mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Himilo ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay rasaas ku fureen hoyga uu degan yahay Sheekh Shariif o ah xarunta Xisbiga oo u dhow Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid ahna xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran iyo C/naasir Mohamed Sheekh Nuur oo ka mid mas’uuliyiinta xisbiga ayaa ku eedeeyay gaari ii leeyahay ciidamada Booliska inuu galabta rasaas ku furay iridka laga galo Hoyga Sheekh Shariif oo ay ku sugnaayeen ilaalada guriga.
“Gaariga ciidanka Booliska oo Namberkiisu yahay POL 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, iyadoo Ciidamada ilaalada ka ah guriga ay muujiyeen mas’uuliyad…” ayuu yiri C/naasir Mohamed.
Dhinaca kale Xildibaan Yuusuf Gama’diid ayaa isna yiri: “Ciidan saaran gaari Hilux Toyota oo ay ku buufsantahay astaanta Booliska Soomaaliyeed ayaa rasaas ku furay difaaca hore ee ilaalada xarunta Xisbiga Himilo Qaran, hoyna u ah Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.Ciidanka ilaalada xarunta oo qabay dardaaran ah inay muujiyaan musiiliyad iyo dulqaad, ayaan ka bixinin wax jawaab ah.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Booliska oo falkan lagu eedeynayo.


