Sunday, July 6, 2025

Mas’uul hore uga tirsanaa Madaxtooyada oo lagu helay inuu laba mushaar ka qaadanayey Dowladda

Qoraal ka soo baxay Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in mas’uul ka tirsanaa Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya lagu helay inuu laba mushaar ka qaadanayey dowladda Soomaaliya.

Waxaa Guddiga Qaran ee Shaqaalaha uu sheegay in Yoonis Xasan Xuseen uu laba mushaar ka qaadanayay Xafiiska Madaxtooyada oo uu horay uga howlgalayay iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo uu hada ka yahay Guddoomiye ku-xigeen, taasoo ahayd sharci darro.

Guddiga ayaa Madaxtooyada ka dalbaday inay ka joojiso muhsaarka ay siiso, isagana uu hal mar bixiyo lacagtii uu ka qaadanayay Xafiiska Madaxtooyada oo gaaraya $6,352.8, kuna shubo Qasnada dowladda.

Yoonis Xasan Xuseen oo la sheegay inuu Madaxtooyada ka ahaa agaasime waaxeed ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday arrintan, iyadoo aan la sheegin magdhow lacageed ka sokow wax Denbi ah oo lagu soo oogayo.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON