Sunday, July 13, 2025

Mas’uul ka tirsan Guddiga Doorashada Galmudug oo Gabar uu dhalay ugu soo sharxay Kursi Baarlamaan & fadeexad ka raacday

Iyadoo ay sii socdaan fadeexadaha hareeyay Doorashada 2016 ayaa la fashiliyay Qorshe uu damacsanaa mid ka mida Guddiga Doorashada Dadban ee Galmudug.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Aadan Absuge Guure ayaa qorshe la yaab leh u dejiyay kursiga beeshiisa ee Aqalka hoose, kadib markii uu soo sharxay Gabar uu dhalay isla markaana abaabulay in degdeg loo qabto doorashada kursiga oo la isku heystay.

Kursigan oo ay leedahay jufo ka mida beesha Duduble, waxaa banneeyay Yuusuf Geelle Ugaas oo ku soo baxay xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ka soo galay, waxaana jufadaasi ay isku heysatay musharixiinta iyo qaabka loo qoondeynayo Kursigan.

Mudan Aadan Absuge ayaa diyaariyay doorasho degdeg oo uu doonayay inay kusoo baxdo Gabadhiisa, isagoo musharaxnimadeeda iyo qorsha doorashada kursiga si degdeg u abaabulay, waxaana la fashiliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay xilli ay doorashada qabsoomi rabtay.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay ku lug yeeshaan xubnaha Guddiga Doorashada, waxaana arrintan soo dhex galay Guddiga Doorashada oo joojiyay doorashada kursigan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON