Monday, June 23, 2025

Mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo lagu xiray Magaalada Beledweyne

Madaxa Warfaafinta maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu xiray magaalada Beledweyne, kadib markii looga yeeray xarunta Nabadsugidda magaaladaasi sida ay saxaafadda u xaqiijisay xaaskiisa.

Cali Daahir Xerow (Cali Kuluc) oo ahaa madaxa Warfaafinta Gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn sababta loo xiray, waxayna wararku sheegayaan in amarka xarigiisa uu bixiyay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Xaaska mas’uulkan Barwaaqo Cali Diiriye ayaa warbaahinta u sheegtay  in saygeeda la xiray shalay galabtii markii looga yeeray xarunta ciidmada Nabadsugidda, kadibna xabsiga la dhigay iyadoo telefoonkiiba laga qaaday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON