Thursday, April 18, 2024

Mas’uul ka tirsan Puntland oo xilka looga qaaday war uu ka faafiyay Duqeyntii Mareykanka

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo shaaciyay inay ciidamada Puntland ay qaadeen weerarkii Jeexdin oo lagu dilay askar ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa la sheegay inuu xilkii ka xayuubiyay Isu-duwihii Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug ninka lagu magacaabo C/naasir Bedel Khalaf.

bedelkhalafWar uu saxaafadda siiyay ayuu mas’uulkan ku faanay in Puntland ay fulisay duqeyntii Gobolka Mudug oo lagu laayay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo ahaa magaalada Gaalkacyo.

Ad

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin shilkii ka dhacay Bariga Mudug, waxaana arrintan ay dhalisay tuhun fara badan oo ku saabsan sidii ay wax u dhaceen iyo doorka ay ku lahaayeen ciidamada Puntland.

Maamulka Galmudug iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Puntland ku eedeeyay inay sheegato weerarkii Jeexdin, waxaan weli socda baaritaanka duqeynta Mareykanku ku laayay askarta Galmudug.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON