Guddoomyaha cusub ee Midowga Afrika Moussa Faki ayaa maanta tegaya magaalada Muqdisho.
Socdaalka Guddoomiyaha AU ee Muqdisho ayaa la xiriira kormeerka ciidamada AMISOM, xaaladda abaarta iyo wadahadallo uu la yeelanayo madaxda dowladda Soomaliya.
Wadooyinka Muqdisho qaarkood, siiba Maka Al-Mukarama ayaa la xiray, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka oo u diiday isu socodka gaadidka.
Waxaa la xiray Isgoyska Banaadir illaa Sayidka, waxaana ciidamada ay gaadiidka iyo dadka dib uga celinayaan waddooyink, halka meelaha qaar dadka lugeynaya loo ogolaaday.
Dadka Muqdisho ayaa isla dhex maraya inaysan jirin wax isbedel ah oo dhinac ammaanka ah sidii ay filayeen, marba haddii madaxda dalka timaada loo xirayo wadooyninka.
Goobjooge.com