Monday, July 14, 2025

MAS’UUL & TACSI: Akhriso Madax kala duwan & Siyaasiyiin tacsi u diray Qoyskii xildhibaan Cismaan Boqorre

Madax kala duwan ayaa tacsi u diray xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabta lagu dilay magaalada Muqdisho, markii koox hubeysan oo Gaari wadatay ay rasaas ku fureen xilli uu marayey degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda Federaalka, Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa tacsi is daba joog ah ka diray geerida xildhibaan Boqorre oo ahaa ninka ugu da’da weyn xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

HOOS KA AKHRISO TACSIDA

“Eebbe ha u naxariisto XIldhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.”

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo… “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh

Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Golaha Shacabaka. Marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Waxa aan tacsiyadaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Kooxo Arxanlaawayaal ah ay galabta Muqdisho ku dileen.
Janatul Fardowsa Allaha geeyo Xildhibaanka, Qoyska, Qaraabada, Xildhibaanada iyo dhammaan ummmadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Mahdi Maxamed Guuleed -Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia

Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa golaha shacabka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay.
Waxaan ilaahay uga baryeyna inuu janadii ka waraabiyo, aniga oo ugu baaqaya laamaha amniga ee dowladda in ay cadaaladda marsiiyaan soona qabtaan kooxii falkaasi foosha xun fuliyay.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Somalia

Waxaan halkaan TACSI uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga. Gacan ka gardaran ayaa dishay xildhibaanka ee Ilaahey ha u naxariisto 

Xasan Sheekh Maxamuud – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Inaa Lillaahi Wa inaa ileyhi Raajicuun! Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, Ehel iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday walaalkeen Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaqdaran ay ku dishay Magaalada Muqdisho. Waxaan marxuum ka Allah uga baryayaa inuu Janadii Fardoowso ka waraabiyo.

C/raxmaan Ducaale Beyle -Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia

Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho. Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame

HOOS KA DAAWO KHUDBADII XILDHIBAANKA LA DILAY EE UGU DANBEYSAY SEP. 2018

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON