Tuesday, June 24, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo Alshabaab u gacan galay, kadibna la gowracay..

Weerar xalay Maleeshiyada Alshabaab ku qaaday jasiirada Kudhaa ee Gobolka J/Hoose ayaa la sheegay in lagu qabtay, kadibna lagu dilay masuuliyiin ka tirsana maamulka degaankaasi.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa saqdii dhexe kadib xalay ka dhacay Jasiirada Kudhaa, waxaana Alshabaab ay shaacisay inay guryahooda ku weerartay, gacantana kusoo dhigtay mas’uuliyiinta kala ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka Kudhaa Cumar Cabdulle (Cumar Afloow) iyo Maxamed Cali Garaar oo ciidamada uqaabilsanaa maamulka Kudhaa ee Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in labadaas mas’uul markii la qabtay kadib ay maleeshiyada Alshabaab gowrceen, kadibna ay halkaas isaga baxeen.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in labada qof ee lagu dilay Kudhaa ay ahaayeen odayaal nabadoono ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn maamulkaasi, midkoodna uu ahaa oday 70 sano jir ah oo muddo 10 sano ah xanuunsanaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON