Friday, June 27, 2025

Mas’uuliyiin & Saraakiil lagu dilay dagaalkii Alshabaab ee Afgooye [Akhriso magacyada]

Wararka laga helayo magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in mas’uuliyiin iyo saraakiil lagu dilay weerarkii Afgooye.

Weerarka Alshabaab ku soo qaaday Afgooye oo ay muddo saacado ah gacanta ku hayeen ayaa keenay in lagu dilo saraakiil ay ka mid yihiin: Axmed C/qaadir Gaashaanle, Cabdi Xasan Cabdulle (Boqol).

Wararka ayaa kaloo la xaqiijiyay inuu dagaalka Afgooye ku dhintay isu-duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud (Qooleey) ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkii Qaraxa  is-miidaaminta ahaa.

Guud ahaan qasaaraha weerarka Alshabaab ee Afgooye ayaa kor u dhaaftay 10 qof oo u badan ciidamada iyo saraakiisha dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib ugu laabteen xaafadaha degmada Afgooye kadib markii ay Alshabaab dib uga baxeen. [AKHRI WARKAN]

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON