Sunday, July 13, 2025

Mas’uuliyiintii DDSI oo looga yeeray Addis ababa & Go’aan Itoobiya ka qaadatay Ciidamada Liyu Police

Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegay in dhammaam mas’uuliyiintii dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya looga yeeray magaalada Addis ababa.

Madaxda loo yeeray waxaa ka mida: wasiiradda, ku-xigeenadai, maareeyeyaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

Hore waxaa Addis ababa loogu yeeray oo sii jooga xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo gaaraya 45 xubnood oo ku  jiraan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka, iyadoo halkasi lagu doortay guddoomiye cusub.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca Itoobiya ayaa sheegtay inay sii jiri doonaan oo aan la kala diri doonin ciidamada Liyu Booliska ee muranka badan ka taagan yahay, sida uu sheegay Jeneraal Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON